Waalidka sharafta leh, waanu kaaga mahad celineynaa, inaad xiiseyneyso inaad kasoo qayb gashaan, barnaamishka waxbarasho ee uu Al-furqaan u diyaariyay macaamiishiisa.
Farxad bay inoo tahay inaad nagu soo biirtaan, waanu idinku soo dhaweyneynaa, waxaan rajayneynaa inaan idinka haqabtiri doonno baahida dhanka waxbarashada & dhanka barashada diinta islaamka.
Sidaa awgeed waxaa haboon inaad si wacan indhaha u marisaan, warqadahan ku sumadaysan macaluumaad kusaabsan nidaamka & manhajka waxbarasho ee uu idinka iibinayo MARKAZKA ALFURQAAN.
- In malcaamada lagu imaado waqtigii lagu heshiiyay oo gaw ah.
- Maqnaanshaha waa inuu yaradaa.
- Ardayga waa inuu casharkiisii soo qaybaa, uu guriga ku soo xafidaa,qoraa,akhriyaana.
- Waa in la ilaaliyaa qaab labiska islaamiga ah, wiil & gabarba.
- Lama ogola iney gabdhaha saraawiil ku imaadaan, cabaayado xabadka u furan, calooshoodiina ay muuqato.
- Lama ogola in wiilasha ay kusoo lebistaan jeenisyo jeexjeexan ama (JEEGO) loosoo jaro marnaba.
- Waa iney da’diisu u dhexeysaa 6-10 jir
- Waa inuu yahay ilmo dhamaystiran dhanka maanka & garashada.
- Waa inuusan ahayn ilmo dhib badan, ama ay korontadu ku badantahay, una baahan daryeel gooni ah.
- Waa inuusan ahayn arday laqasbayo, oo aan isagu rabin malcamada.
- Waa inuusan ahayn arday wax caaya ama ereyada aflagaada aad u adeegsada.
- Waa inuu yahay arday qaadanaya nidamka guud ee u degsan waxbarashada markazka,sida:-
. Xijaabka & asturnaanta (gabdhaha)
. Lebiska & qaab timo xiirashada (wiilasha)
. Akhlaaqda guud ee islaamika.
Waxbarashada markazka Al-furqaan waxay ka koobantahay 2 qaybood.
- Barashada higaada.
- Barashada qur’aanka kariimka & tarbiyada islaamka.
- QAYBTA HIGAADA.
Manhajka noo degsan qaybta higaada, waxa uu ka koobanyahay (3) buug.
- Buug horudhac ah, oo ka kooban 84 bog.
- Buuga koowaad, oo ka kooban 48 bog.
- Buuga labaad, oo ka kooban 45 bog.
Isku darkoodu waxa ay yihiin (177) bog, hadii uu ardayga si talantaali ah, uu u qaato, joogteeyana xarunta waxbarasho, fuliyana qaabka uu markazka u dejiyay in loo fuliyo, waxa uu markazku balan qaadayaa inuu ardaygaa HAL SANO uu kaga gudbi doono akhrin & qoraal dhamaystiran, kadibna loo wareejin doono ardaygaa fasalada XIFDINTA QUR’AANKA & TARBIYADA ISLAAMKA lagu qaato.
Si loo gaaro in lagu soo saaro arday da’ yar, waxbarashadiisuna tayo leedahay, waxay u baahantahay in si wada jir ah loo wada fuliyo manhajka waxbarasho ee u degsan markazka , taana waxaa udub dhexaad u ah wada shaqayn dhex marta Macalinka, waalidka & ardayga.
- Waa in uu manhajka markazka u degsan sida loogu talo galay uu ugu gubiyaa ardayga.
- Waa in uu casharkii hore ka dhagaystaa kana saxaa.
- Waa inuu cashar cusub siiyaa. (waa haduu kii hore ka gudbay).
- Waa in uu warbixin joogto ah uu waalidka ugu gudbiyo qoraal buuga dhexdiisa ah, ama taleefoonka ah.
- Waa in ardayga ay ku keenaan MALCAAMA waqtiga loogu talo galay.
- Waa in ay ardeyga ku caawiyaan casharada looga baahanyahay, kana hubiyaan inuu u qaybay ama u diyaariyay sida uu macalinka ka doonayo.
- Waa in ardayga lala joogaa, la ag fariistaa waqti ku filan diyaarinta casharkiisa, illaa uu ka gaaro isku filnaasho.
- Waa in ay si sax ah ugu socdaan manhajka & qaab bixinta lagu heshiiyay.
- Waa ineyna ku qasbin ardayga inuu ka gudbo casharka kol haduu ku adagyahay.
- Waa inuu ardayga ka diiwaan galiyaa barteena internetka (alfu.fi), si uu ugu fududaado hirgelinta barnaamishka waxbarasho ee looga baahanyahay.
- Waa inuu ogaadaa waajibaadka casharka in isaga laga rabo.
- Waa inuu diyaar u ahaadaa waxbarashada.
- Waa inuu dhega nuglaadaa
- Waa inuu casharada ka caawistaa bartena internetka (alfu.fi) oo uu ka heli karo dhamaan casharada uu ka qaadanayo MARKAZKA.
BUUGA 1AAD, AMA HORUDHACA ah, ama aan u naqaanno (TAMHIIDI), waxa uu ka koobanyahay 84 bog.
- Laga bilaabo boga 1aad illaa boga 53aad waxaa lagu baranayaa xuruufaha ALIF illaa YA’ & sadexda shaqal, kordhig, hoosdhig & god, qoraalkooda & akhrintooda.
- Laga bilaabo boga 54-83, waxa lagu baranayaa isku xirka labo xaraf, qoraal, akhrin & yeeris intaba, bog walbana waxaa ku yaala 8 erey.
- Boga 84 aad , waxa ku yaala 72 erey, oo ah, isku ururin inta uu horay usoo dhaafay ee laba labada xaraf ka koobnaa. Waana imtixaankii uu kaga gudbi lahaa buugan horu dhaca ah, waxana laga doonayaa ardayga inuu ku akhriyo ugu badnaan 2 daqiiqo, kadibna uu u gudbo yeeriska ereyadaas, waxaana loo yeerinayaa illaa (25) eray, haduu (18) ka yar keeno mar kale ayaa dib logu celinayaa, wuxuuna ku gudbi karaa (18+).
|
- BUUGA LABAAD waxa uu ka koobanyahay (48) bog, oo isugu jira qaacidooyin furo ah & weedho ama jumlado, waxana uu ka baranayaa arimahan soo socda :-
- Isku xirka saddex xaraf, oo kordhigan, qoraal, akhrin & yeeris & imtixaankooda.
- Isku xirka saddex xaraf, oo hoosdhiga & godan, qoraal, akhrin & yeeris & imtixaankooda.
- Akhrinta & qoraalka Jumlado dhaadheer, yeeriskooda
- Alif dheerta, YA’ dheerta & WAAW dheerta, qoraal, akhrin, yeeris, & imtixaankooda.
- Intaa waxaa dheer, waxaan juhdi badan ku bixineynaa, qurxinta farta & dhawaaqa saxsan.
Horay waxaan u soo sheegnay inuu buugani yahay (48) bogle, hadii laga reebo bogaga qaacidooyinka ku qoran, waxa uu isugu imanayaa (36) bog, oo bogiiba uu noqonayo maalin casharkeeda, oo ay ka dhigantahay 36 maalmood. |
- BUUGA SADEXAAD,waxa uu ka koobanyahay(45) bog, gabi ahaanba waxa uu ka koobanyahay, weedho ama jumlado laga soo xulay QUR’AANKA KARIIMKA ah, waana buugii sida saxda ah uu ardaygu ugu diyaar garoobi lahaa qur’aanka kic kicintiisa & akhrintiisaba.
Sidaa awgeed waxa uu buugani barayaa ardayga , arimaha soo socda:-
- Sida loogu dhawaaqo ereyada sawirkooda & dhawaaqoodu ay kala duwan yihiin.
- YA’ saqiira, ALIF saqiira, & WAAW saqiir.
- Mad-ka ama (midka).
- Labo kordhiga, labo hoosdhiga, labo godka & reebka 2diisa nooc.
- Xuruufta la qalqaleeyo & dhawaaqooda.
- Hamzatul wasliga & qadciga.
- Shadka ama (shid-ka).
- Laamush-shamsiyah & laaamul qamariyah.
Horay waxaan u soo sheegnay inuu buugani yahay (45) bogle, hadii laga reebo bogaga qaacidooyinka kaliya ku qoran, waxa uu isugu imanayaa (40) bog, oo bogiiba uu noqonayo maalin casharkeeda, oo ay ka dhigantahay 40 maalmood. |
L | BUUGA | CASHARADA | MAALMAHA | TIRO GUUD |
1 | horudhaca | 84 | Lama oga | Lama oga |
2 | 2 aad | 48 | 36 | 76 maalmood |
3 | 3 aad | 45 | 40 |
MUUQAAL KUSAABSAN WAQTIGA WAXBARASHADA & FASAXYADA.
- Waxbarashadu waxay bilaabataa maalinta ugu horeysa ee iskuulaadka wadankan dib loogu noqdo, waxayna dhamaataa oo ay inoo xirantaa, isla xiliga iskuulaadka wadankan la xirayo, ama ay dhamaanayaan.
Taa waxay ka dhigantahay, waxa la bilaabayaa waxbarashada markazka bisha 8aad horaanteeda, waxana la xirayaa bisha 5aad dhamaadkeeda.
Waxase laga yaabaa in lagu kordhiyo, koorso xagaaga ah, oo bisha lixaad kaliya soconeysa.
- Fasaxyada waxbarashada markazka, waa isla fasaxyada iskuulaadka wadanka dhamaantii. Waxaa sii dheer labada ciid ee uu islaamku leeyahay & 10 dambe ee bisha ramadaan.
- Saacadaha loogu talo galay in fasalkiiba uu qaato waa labo saacadood (2s), waxaana soo dhex galaya nasasho yar oo (15d) shan & toban daqiiqo ah, taa oo ardaydu ku cunaan cunto yar oo ey guriga kala yimaadaan, waana roodhi yar & cabitaan, si ey tamar uga helaan. Nooca cuntaduna caruurta dhamaan waa ay ka wada siman yihiin, maamulka ayaana arintaa ku war galinayo waalidka.
▼ MUUQAALKA GUUD
1 | Sanadka | 12 bilood |
2 | Bilaha waxbarasho | 10 bilood |
3 | Fasaxyada isku celcelin | 45 casho kudhawaad |
4 | Koorsada 3da casho isbuc | 8 x 12 = 96 maalmood |
5 | Koorsada 2da casho isbuc | 8 x 8 = 64 maalmood |
6 | Saacadaha waxbarashada | 96 x 2 = 192 saacadod |
Ardayga higaada baranaya, qur’aanka looma bilaabayo illaa uu kasoo gaaro buuga 3aad bartamihiisa, gaar ahaan boga 26 aad, ee ku cinwaansan , HAMZATUL WASLI & QADCIGA.
Xilligaa ayuu ardayga xaq u yeelanayaa in higaada uu ku garab wado sixida ama billaabista qur’aanka kariimka ah, taa waxaa ka dhalanaya in ardaygii 3da maalin higaada u imanayay in loogu kordhiyo 2casho dheeraad ah, oo uu maalinna fasalka qur’aanka uu imanayo, maalinna uu dersiga tarbiyada kaga soo qayb galo (zoom online)ka kubaxa galbihii.
Waalidka wuxuu xaq u leeyahay hadii ilmihiisu ey soo gaaraan buuga 3aad boga 26 aad, in uu dooran karo 3 arimood mid kamid ah:-
|
- Ardayga marka uu qur’aanka bilaabo, waxaa qassab ah inuu qoro, JUZ-ka CAMMA, kadib waalidka waa la khiyaar galinayaa in uu ilmihii qoraalka sii wado, ama inuu joojiyo.
- Inta uu ardaygu ku dhex jiro juzka CAMMA, waxa laga qaadayaa 3 imtixaan, (imtixaankuna waa in hal fadhi looga dhagaystaa, inta uu soo dhaafay oo dhan) waana sida tan:-
- Marxalada 1aad, markuu suuratu Duxa gaaro, waxaa looga qaadayaa (Naas illaa suuratu Duxa).
- Marxalada2aad, markuu suuratul ACLAA gaaro, waxaa looga qaadayaa (Naas illaa suuratul ACLAA).
- Marxalada 3aad, markuu JUZka xiro, waxaa looga qaadayaa (Naas illaa suuratu CAMMA).
❌ |
- Ardayga kolka uu ka gudbo imtixaanka JUZka, waxa waajib ah in maalin walba uu juzkaa akhriyo, si loo ogaado in uu arinkaa fulinayo & in kale, waxaa qasab ah in uu kusoo biiro qolka (AHLUL QUR’AAN) loo yaqaan, oo WhatsApp-ka kasamaysan, oo ay ardayda dhamaan ay ku wada jiraan, iyaga dhexdoodiina ay maamulaan, oo ay calaamada ✅ saaraan ardeygii akhriyay, mida ay saaraan ardeygii aanan akhrin maalintaa, kadib 3casho haduu akhrinwaayo, ay lahadlaan, haduu is bedeli waayana ey go’aan ka gaaraan, in qolka laga saaro, waalidkiina loo gudbiyo arinkaa.
- Ardayga hadii uu dhameeyo jzuka 1aad, waxaa qasab ku ah inuusan casharkiisu ka yaraanin, hal bog isbuucii, oo ey kadhigantahay 4 bog bishii, oo ey kadhigantahay, hal juz & bar sanadkii. Qofkii hal bög ka badiyadana juz & bar kabadan buu keenayaa.
- Tusaale bixin :–
] | CASHARKA IMISA BOG ISBUUCII? | BISHII | SANADKII | IMISA JUZ SANADKII? | INTEEBUU QUAANKA KUDHAMAYN? |
0,5 | 2 bog | 16 bog | Juz kayar | 38 sano | |
1 bog | 4 bog | 32 bog | 1,6 juz | 19 sano | |
1.5 bog | 6 bog | 48 bog | 2,4 juz | 12.5 sano | |
2 bog | 8 bog | 64 bog | 3,2 juz | 9,5 sano | |
2.5 bog | 10 bog | 80 bog | 4 juz | 7.5 sano | |
3 bog | 12 bog | 96 bog | 4,8 juz | 6,25 sano |
Talo bixin.
Waalidka sharafta leh, tusaalahaa markaad akhriso , oodna fahamto, adiga isku noqo waxaad eegtaa dhawr arimood:-
- Ilmaha aad quraanka u dooneyso waa imisa jir?
- Miyuu kuu qorsheysan yahay ilmahaagu inuu XAAFID noqdo?
- Waqti intee la eg ayaad u heysaa inaad galiso ilmahaaga si uu xaafid u noqdo?
- Ilmahaaguna waqti intee la eg buu u hayaa qur’aanku?
- Imisa sano ayaad dooneysaa inuu ilmahaagu quraanka ku xafido?
- Goorma ayaad doonaysaa inaad bilowdo?
- Go’aan & qorsho sax ah ma u qoondeysay?
- Caqabadaha kugu iman kara ee kaa hor istaagi kara qorshahaagaaan muhiimka kuu ah, , ma ku tala gashay oo maka baaraan degtay sidii aad uga talaabi lahayd, si uunan hadafkaaga kaaga weecinin?
- In ilmaha qur’aan labaro looma isttikhaareeyo, balse xarunta uu ka baranayo & macalinka aad u xuleyso ayaa laga istikhaareyaa, lagana tashadaa, istikhaaro tuko, duceysana, walaalo wanaagsanna kala tasho.
- Allah tala saaro, go’aankaaga ku dhaqaaq, manhajka laguu dajiyay raac, hadafkaaga waad gaari insha Allaah.
Duruusta online-ka kabaxda inta badan waa duruusta aan u naqaanno, (TARBIYADA), waxaa kaloo raaca 2 fasal oo qur’aanka lagu barto & muxaadaro bille ah.
- Duruusta tarbiyada waxay isugu jirtaa, casharo loogu talo galay:- – Ardayda waaweyn, maadooyinka ka baxana waxay isugu jiraan:- Tafsiir, Tajwiid, Xadiis, Caqiido, Siiro & Fiqhi & barashada akhlaaqda & aadaabta islaamka, oo mowduucyo goos goos ah, hadba baahdia jirta.
- Arddayda yar yar, waxaa labara ugu horeyn, salaada axkaamteeda oo dhamaystiran & suuradaha yar yar ee lagu tukado. Intaa kadib waxa loo gudbinayaa qaybaha kale ee ka dambeeya hadba inta loo baahanyahay.
- Fasalada qur’aanka lagu barto ee onlineka ah, waa fasalo qadiimi ah, oo arday badani ey qur’aanka ku dhameeyeen, ardaydaa qaarna ay Markazkaba macalimiin ka yihiin. Fasaladaas xiliyada ay baxaanna waxa marwalba lagu soo gudbiyaa kulanka furfuritaanka sanad dugsiyeedka, ee la qabto horaanta sanad dugsiyeed walba.
- Muxaadarooyinka billaha ahi, waxay ku baxaan inta badan luqada FINISHKA, looguna talo galay, wacyi gelin guud & baraarujin. Jadwalkooduna waxa lasoo gudbiyaa sanad dugsiyeedka horaantiisa.
Waxa aad muhiim u ah, in waalidka uu ag fadhiyo inta uu ardayga kujiro dersiga online-ka ah, ha ahaado midka qur’aan kabxida ama midka tarbiyada ah intaba, si uu ula socdo ilmihiisa sida uu cahsaradiisa uu ku ahaa maalintaa & waajibaadka cusub ee uu macalinku dirayo maalintaa. |
Maqnaanshaha waxa uu ka suuroobaa ardayga & macalinka labadaba, sababo jiri kara awgeed. Hadaba:-
- MAQNAANSHAHA ARDAYGA .
Ardayga waxa uu la maqnaan karaa, dhawr sabab:-
- Mid isaga la xidhiidha, sida xanuun, safar, & arimo gaar ah.
- Mid waalidka la xidhiidha. Sidaa awgeed waxaa marwalba muhiim ah in uu waalidka la xidhiidho maamulka ama macalinka si uu ula socodsiiyo ka maqnaanshaha waxbarashada maalintaa.
Xilliga & qaabka war bixinta & fariimaha ey isku dhaafsanayaa maclinka ama maamulka & waalidka, waxaanu ku xusi doonnaa qodobka ku sumadaysan (XIRIIRKA WAALIDKA & MACALINKA). |
Macalinka waxa uu lamaqnaan karaa 2 arimood:-
- Xanuun ku yimaada isaga shakhsi ahaan.
Maalintaa ama maalmaha uu macalinku xanuunsanyahay qasab kuma aha in uu maalintaa ama maalmahaa baaqaday ugu bedelo maalin ama maalmo kale.
- Cudurdaar & duruuf ku qasbaysa in uu u maqnaado.
Hadii ay dhacdo in macalinka duruufo gaara ay soo wajahaan, oo uu ku khasbanaado in uu ka maqnaado xarunta waxbarashada, waxa malinka khasab ku ah, in uu bedel sameeyo maalinta ama maalmaha uu maqnaanayo.
Bedlkuna waxa uu noqon karaa 4 arimood mid kamida.
- In uu macalin kale oo hawsha qabta usoo diro
- In uu ardayda ONLINE kusiiyo casharkooda.
- In uu maalin kale ugu bedelaa, sida maalmaha fasaxyada qaar kamida.
- In ay guruubka waalidiinta ay macalinka fasaxaan, bedel la’aan
Kulamada dhexmara waalidiinta & maamulka & macalimiinta waxay qayb ka yihiin hanaanka lagu hergliyo laguna saxayo manhajka u degsan markazka & horumarintiisa.
Kulamadu waxay isugu jiraan labo kulan, mid guud & mid gaar ah.
- KULANKA GUUD, waa dhawr kulan oo looga hadlayo furitaanka sanad dusiyeedka & in laga bixiyo muuqaal guud oo kusaabsan barnaamishyada waxbarasho ee sanad dugsiyeedka cusub , ama loogaga hadlayo xiritaanka sanad dugsiyeedkii mudada tobanka bilood soo socday & waxyaabaha nooga qabsoomay barnaamishkii la dajiyay sanadka horaantiisa.
Kulamadaa waxay u dhcayaa sida tan:-
- Kulanka furitaanka , oo dhacaya :-
SU 04.08.2024 klo: 20:00 ZOOM-ka
- Kulanka xiritaanka teeramka 1aad
PE 20.12.2024 klo:20:00 ZOOM-ka
- Kulanka xiritaanka sanad dugsiyeedka
PE 30.05.2025 klo: 20:00 ZOOM-ka
- KULANKA GAARKA AH, waa kulan u dhexeeya maamulka ama macalinka & waalid ama waalidiin qaar, loogana hadlayo arimo gaar ah oo ku wajahan caruurtooda.
Ka qaybgalka shirarka aad & aad ayuu muhiim ugu yahay laqabsiga ama fahamka mashaariicda wax barasho ee uu markazku u hayo macaamiishiisa, sidaa darteed, maamulka waxa uu soo dirayaa baraarujin & xasuusin ku saabsan qabashada kulanka kahor intaanan la gaarin waqtiga uu qabsoomayo shirka. Waxa kale uu soo raacinayaa linkiga zoom-ka ah ee kadhacaya shirka. Hadii ay dhacdo in uusan waalidka kasoo qayb galin shirka, markazka, maamulka & macalinkuba marnaba kuma khasbana in ey waalidkaa baadi goobaan, macluumaadkii & go’aamadii kasoo baxay kulankaana ey ku wargeliyaan. Go’aan walba oo kasoo baxa shirka uu waalidka ka maqanyahay, waa inuu aqbalaa kuna socdaa isagoo mahadsan. |
Markazka & macalinkuba waxa ay leeyihiin lambaro gaar ah & waqtiyo gaara ah oo ay kajwaab celinayaa wicitaanada. Hadii ey dhacdo in waqigaa laga jawaab celin waayo wicidaada, waalidka ama ardayga wacaya waxa uu dhaafayaa fariin, si dib loogu soo celiyo.
Taleefoonada & waqtiyada
- Markazka talefon lambarkiisa & waqtigiisa waa :-
Macalin Xasan Qorane 0445570221
Wakhtiga
Saacad ka hor xiliga fasalka bilaabmayo
- Macalin c.qaadir lambarkiisa & waqtigiisa waa:-
Puh. 0452653783
Saacad ka hor xiliga fasalka bilaabmayo
QOLKA WhatsApp-ka
Qolka whatsAppka, waa barta uu macalinka kusoo gudbiyo fariimo & macluumaad khuseeya waxbarashada si guud & si gaar ahba, sidoo kale xasuusimaha shirarka markazka.
Fasal walbana waxa uu leeyahay qol u gaar ah, oo loogu gudbiyo macluumaadka guruubkaa u gaarka ah.
Mararka qaar waxaa lagu qabtaa qolkaa dhexdiisa afti qaadis lagu soo bandhigayo arin soo korodhay, hadba tiradii codeysa dhankii ay u badato ayaa macalinku ama maamulku go’aaminayaa lana fulinayaa.
Qolkaana waxaa muhiim ah, in ay waalidiinta dhamaan ey noqdaan kuwo firfircoon oo (active)wada ah.
Alfu.fi, waa barteena internetka, oo laga heli karo dhamaan barnaamishyada waxbarasho ee uu markazka Al-furqaan u hayo macaamiishiisa. Sida qur’aanka, tafsiirka, xadiiska, tajweedka , caqiidada & dhamaan barnaamishka HIGAADA oo dhamaystiran.
Hadaba waalidka waxaa laga doonayaa, gaar ahaan kuwa caruurtoodu ey higaada ku jiraan buugaagta 1,2,3aadba in ay bartaa alfu.fi ay caruurta ka diiwaan geliyaa, kadibna ey dhamaan casharadoodu halkaa ka akhristaan, dhagaystaanna qaabka uu macalinka u akhrinayo.
Caruurta billaabeysa buuga horudhaca ah, ama buuga KOOWAAD, waa in ey casharada oo dhan ka qaataan qoraalka & akhrintaba qaabka uu macalinka u akhrinayo una qorayo ee lagu keydiyay barta alfu.fi. |
Markazku waxa uu si guud u diiwaan geliyaa ardayda cusub labo jeer sanad-kii.
- Sanad walba bisha 7aad(luuliyo) bartameheeda illaa iyo dhamaadkeeda. 15.7-31.7, waxayna billaabayaan bisha 8aad, (agoosto).
- Bisha 12aad (diseembar) horaanteeda illaaa iyo labaatankeeda. 1.12-20.12, guruubkaana waxa ay bilaabayaa, bisha koowaad ee sanadka cusub horaanteeda , marka fasaxa laga soo laabto.
Waxaa dhici karta inta lagu guda jiro sanad dugsiyeedka, in fasalada qaar ay arday ka qalin jabiyaan, deedna loo baahdo in arday cusub lagu soo biiriyo. Haday taa dhacdana, waxaa lagu soo biirinayaa ardaydii liiska codsiga ku jirtay, ee fasal sugayaal ahaa. |
KHARASHKA waxbarashada waxa ay ku xirantahay hadba koorsada aad iibsanaysid, arimaahaas oo dhamaystiranna waxaad kala xiriirika kartaa maamulka markazka, lambarka taleefoonka & xiliga lawacayana ka eeg qaybta buugan ee arintaa kahadlaysa.
FIIRO GAAR AH, OO KU SAABSAN KHARASHKA
|
Ardayga waxa uu iibsanayaa manhajka oo dhamaystiran, waxa uuna ka koobanyahay:-
- Buuga horudhaca ah, ama buuga 1aad.
- Buuga heerka 2aad, oo ka koodan (kitaab & buug ).
- Buuga heerka 3aad, oo ka kooban (kitaab & buug).
- Buuga qorista qur’aanka & kitaabkiisa oo 2juz ah.
- Qalin, qalin qor, goomo & boorsada qalimaanta lagashado.
Qiimuhuna waa (100€), waxana labixinayaa, maalinta ugu horeysa ee uu ardaygu bilaabayo waxbarashada.
Xilliga salaada, casharada waa la joojinayaa, hadii xarunta wax barasho ay ku taalo masjid dhexdiisa, salaada jamaacada ayaa lagu wada tukanayaa, hadii ay ku taalo xarunta waxbarasho,masjidka dibadiisa, macalinka waxaa waajib ku ah inuu soo haleelo masjidka jamaacadiisa, waa haduu u dhowyahay, hadii uu ka fogyahayna, ardaydiisa ayuu la tukanayaa.
Haday dhacdo inuu masaajidka dhow uu aadana, waa inuusan maqnaanshihiisa ka badan 15 daqiiqo , intaana ay waalidiinta inta joogta ama ka agdhow ey ka caawiyaan ilaalinta ardayda. Hadii aanay waalid midna joogin, macalinka waxa uu ku qasbanyahay inuusan ardayda ka tagin.
Waalidka xaq buuxa ayuu u leeyahay, in uu caruurtiisa kala baxo madrasada, sababo uu isaga u arkay awgeed. Waxa kamid noqon kara:-
- In waxbarashada uu ku qanci waayo.
- In maamulka ama macalinka & waalidka ey dhexmarto is faham waa, oo xal loowaayay.
- In safar lasoo gudboonaaday.
- In kharashkii dib kala cuslaado.
- Sabab aan lasheegin oo waalidka u gaar ah.
Iyadoo intaa waalidka xaq loosiiyay, markazka ama madrasada ama xarunta waxbarashada & maamulkaba waxay xaq u leeyihii sadex arin :-
- In lagu ixtiraamo, oo loo sheego go’aanka uu waalidka gaadhay, iyo sababihiisa inta la xusi karo, si la isugu dayo in la xaliyo hadii uu xalku suuro gal yahay.
- In la bixiyo wixii kharash ahaa, ee lagu lahaa ardaygaa, buugaagta kharashkooda, ama bisha kharashkeeda.
- Hal bil kahor waa in lagu war galiyaa maamulka ama macalinka, si ardaygaa baxaya booskiisa, arday kale oo fursadaa sugaya loogu bedelo.
Wixii dhamaystir ama haleelin ama su’aalo soo baxana dib ayaan kaga jawaabi doonnaa, kuna dari doonaa xeer hoosaadkeena qodobeyntiisa.
Dhamaan qordobada aan kor ku soo sheegnay markazka wuxuu xaq u leeyahay inuu wax ka badali karo , laguna soo wargeliyo macmiilka bil ka hor qodobada wax laga badalay iyo xiliga ay dhaqan galayaan.